
Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland, G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, ayaa xalay isku dayay in uu joojiyo kulan Garoowe uga socday Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo dhalinyaro ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag.
Taliyaha Madaxtooyada, ayaa sheegay in Kulankaas aan lagu war-gelin Mas’uuliyiinta Puntland, waxaana uu amar ku bixiyay in la joojiyo, balse wada-hadal kadib waxa Taliyaha lagu qanciyay in Kulanka uusan la xiriirin Arrima Siyaasadeed.
Wasiir Jamaal, ayaa la sheegay in uu dhalinyarada uga warbixinayay Waxqabadka Wasaaraddiisa ee ku wajahan Gobollada Sool iyo Sanaag, halkaas oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland, islamarkaana aysan inta badan ka hawlgelin hay’ada Samafalka.
Sidoo kale, Wasiirka oo mar kale u sharraxan xildhibaan Golaha Shacabka ah, wuxuu kulankiisa ku muujinayay waxqabad uu sheegay in uu ka hirgeliyay meelo kamid ah Gobolka Sanaag.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.