Gen. Odawaa “Falkii lagu dilay Saraakiisha looma nisbayn karo Qabiil”

Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadigoobayo, dadkii ka dambeeyay dilkii maalin ka hor loogu geystay Gobolka Galgaduud Saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Taliye Odawaa, ayaa sheegay in aan falkaas lala xiririn karin arrin qabiil, balse ay rumeysan yihiin inuu ka mid yahay falalkii ay dadka ku leyn jireen Argagixisada sida uu hadalka u dhigay.

Looma nisbeyn karo qabiil iyo cid gaar ah, waa fal ka mid ah falalka ay fuliyaan Argagixisada ee lagu yaqiinay in dhiibba umadda Soomaaliyeed iyagoo aan kala fiirin jirin ay ku daadin jireen”ayuu yiri Gen. Odawaa

Taliyaha  ayaa xusay, in ciidamadu ay amar cad ku qabaan meesha ay galaan in loogu daba-galo kooxihii ka dambeeyay, falkii lagu dilay Saraakiisha, isla markaana ka dalbaday shacabka in aysan marnaba gabaad helin dadkaas.

PUNTLAND POST