Wafdi hor-dhac u ah Rooble oo soo gaaray Garowe

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa galabta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraha Gen. Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tiran Puntland iyo qeybo kamid ah dadweynaha magaalada Garowe.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hor-dhac u ah booqasho uu maalmaha soo socda Ra’iisul Wasaare Rooble ku iman doono Puntland, kaas oo la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirkii saaxiibada Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay maalmo ka hor ka sheegay in uu sida ugu dhakhsiyaha badan safaro ugu tagi doono Garowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

Puntland iyo Jubbaland ayaa weli soo magacaabin guddiyadii doorashooyin ee heer dowlad goboleed, waxayna tabasho ka qabaan qaabka dowladdu u maamulayso doorashada.

PUNTLAND POST