Puntland oo soo saartay go’aamo cusub oo la xiriira qiima-dhaca lacageed

Guddiga arrimaha dhaqaalaha sarifka iyo dhaqdhaqaqa suuqyada Puntland oo maanta shir ku yeeshay Garowe ayaa soo saaray go’aamo la xiriira qiima-dhaca lagaceed ee ka jira degaanada Puntland.

Go’aamada ay soo saareen Guddiga ayaa ka kooban siddeed qodob oo kala ah.

1. Bangiga dowladda iyo bangiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala degaanada Puntland waxaa laga furayaa furuuc lagu kala sarifto lacagaha.

2. Wasaaradaha, hay’ada dowladda, dowladaha hoose iyo shirkadaha bixiya adeegyada guud sida biyaha, korontada iyo wixii la mid ah waxaa lagu wargelinayaa in ay si toosa u dhaqan geliyaan isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga, mana jiro doono muwaadin Puntland oo lagu khasbi karo in uu wax ku bixiyo doolar.

3. Shirkadaha bixiya adeega lacagta ee danabaysan iyo Applications kooda waxaa lagu wargelinaya in ay farac lacageed xadidan oo Shilin Soomaali ah ku daraan adeegyadadoodi hore ee doolrka keliya loogu isticmaali jiray .

4. Waxaa la mamnuucay in wax Shilin Soomaali ah xuduudaha laga soo geliyo degaanada Puntland.

5. Bangiga dowladda Puntland wuxuu si rasmi ah u diiwangelin doonaa lacagta Shilinka Soomaaliga ee degaanada Puntland laga isticmaalo iyo tiradeeda si loogu go’aan qaato baaxada sarifka lacagta qalaad ee suuqyada Puntland looga baahan yahay.

6. Bangiga dowladda wuxuu xeer iyo habraac u sameynayaa sarifka iyo sariflayaasha ka hawlgala degaanada Puntland.

7. Cid kasta oo is hortaggaa osticmaalka lacagta Shilinka Soomaliga waxay gashay dambi qaran, waxayna mutaysanayaan ciqaab wafaqsan sharciga.

8. Guddigu waxay furayaan xarumo cabasho, waxay sidoo kale dadwaynaha farayaan in cidii diida Shilin Soomaali ay ku wargeliyaan xarumaha booliska ee ugu dhow.

PUNTLAND POST