Maraykanka oo duqeymo la beegsaday Khubaro Al-shabaab u qaabilsanayd Qaraxyada

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), ayaa shaaciyay in ay maanta laba duqaymood ka fuliyeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, kuwaas oo lala beegsaday khubaro Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada.

War Qoraal  ah oo ka soo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in duqeymahaas laga dilay argagixiso kaalin muhiim ah ku lahaa soo saarka walxaha qarxa ee Al-Shabaab, oo ay ku jiraan kuwa lagu xiro baabuurta.

Waxaa sidoo kale qoraalkaas lagu sheegay, in qiimeynta horudhaca ah aysan muujin wax khasaare ah oo gaaray dadka shacabka.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo dhowaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu amray in inta badan 700 askari ee Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga soo saaro, kahor inta uusan xilka ka degin 20-ka Janaayo 2021.

PUNTLAND POST