Al-shabaab oo la wareegay degaan ka tirsan Puntland

Kooxda Al-shabaab ayaa saaka la wareegtay degaanka Milxo, oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, islamarkaana u dhexeeya Durduri iyo Laasqoray.

Kooxda ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar culus ku qaadday degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray iyaga iyo shacabka sida ay xaqiijinayaan ilo’ dhanka Amniga ah.

Wararku waxay intaas ku darayan, in kooxdu ay af-duubteen Guddoomiyihii Tuulada Milxo Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo shakhsiyaad kale, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go’an, waxaana adag in warar sugan laga helo khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shabaab ku qaadday tuuladaas Milxo.

Weerarka ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii Al-shabaab ay darsin hubka fudud ah kala soo dageen xeebta Durduri oo ku dhow degaankaas Milxo.

PUNTLAND POST