
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, oo ku guda jiray Kal-fadhiga 47-aad, gaar ahaanna Qodobka La-xisaabtanka Xukuumadda, ayaa mudda Toban maalmood ah la geliyay safax aan la shaacin.
Dad xog-ogaal ah oo diiday in magacyadooda la xigto, waxay Puntland Post u xaqiijiyeen in saaka oo Arbaco ah hal mar lagu war-helay Baarlamanka oo fasaxan, balse aan la ogayn sababta loo fasaxay.
Xildhibaannada, waxa si hoose loogu war-geliyay, in ay soo laabtaan maalinta Sabtida ah oo ku beegan 19 December , si loo sii wado Qodobada ka harsan Kal-fadhiga 47-aad oo soo bilowday 25-kii October 2020.
Qodobada ka harsan Kal-fadhiga, waxa ugu muhiimsan dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland iyo Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.