Al-shabaab oo darsin hub ah kala soo degay xeebta Durduri oo ka tirsan Gobolka Sanaag

Wararka ka imaanaya nawaaxiga xeebta lagu magacaabo Durduri, oo ka tirsan degmada Laasqoray, ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ee saaran buuraleyda Calmadow ay halkaas kala degtay darsin hubka fudud ah.

Ilo’ dhanka Amniga ah, waxay sheegayaan in hubkaas oo laga keenay dalka Yemen, uu saarnaa doon loo ekaysiiyay mid kalluumeysi, taas oo ka timid dhinaca waddanka Yemen, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin.

Sidoo kale, waxaan weli xog sugan laga helin tirada hubka u soo degay kooxda, marka laga reebo in wararku tibaaxayaan in hubkaas oo nooca fudud ahaa uu gacanta u galay kooxda Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ee buurta saaran, ayaa inta badan hubka ku keensada doonyo loo ekaysiiyay kuwa kalluunka, oo ka yimaada waddanka Yemen, waxase jirtay in marar kala duwan Puntland qabatay doonyahaas.

PUNTLAND POST