
Dhowaan waxa Puntland yimid xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, kuwaas oo Puntland ka dalbaday in loo sii daayo Rag ku xukman Burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe.
Xildhibaannada ka socday Galmudug, waxay xukuumadda Puntland ka codsadeen, in loo sii daayo Rag maxaabiis ah oo ku xukuman Burcad-badeednimo, kana soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug.
Hayeeshee, Puntland way diiday dalabkaas, iyadoo sheegtay in maxaabiistan xukuman laga soo wareejiyay xabsi ku yaalla jasiirada Seychelles, kadib Heshiis dhexmaray Puntland iyo Seychelles.
Sidoo kale, waxay sheegtay in Heshiiska labada dhinac uu dhigayay, keliya in maxaabiistu ay xukunkooda ku dhammaystan Puntland, sidaas darteedna aysan awood u lahayn sii dayntooda.
Xildhibaannada Reer Galmudug, ayaa haddana Puntland ka codsaday in maxabiistan loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya, kadibna ay iyada kala hadli doonaan sii dayntooda.
Waxaase Puntland sheegtay, in codsigaas ay aqbali karto, haddii dowladda Soomaaliya si rasmiya uga dalbato in maxaabiista Burcad-badeeda ee Garoowe ku xiran loo wareejiyo Muqdisho.
Xildhibaannadii ka socday Galmudug, ayaa dib ugu laabtay maamulkooda, si ay dowladda Soomaaliya uga codsadaan in la soo wareejiyo maxaabiista u dhashay Galmudug ee Garoowe ku xiran.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.