Cutubyo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee Puntland, ayaa saaka lagu daadiyay suuqyada magaalada Boosaaso, si loo socod-siiyo qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah, oo maalmihii u dambeeyay laga diidanaa Boosaaso.
Diidmada Shiling Soomaaliga ayaa timid, kadib go’aankii ka soo baxay madaxweyne Deni oo lagu joojiyay in Canshuurta kastamka iyo dekedda Boosaaso lagu qaado Shiling Soomaali, taas oo dowladdu sheegtay in Dollar oo keliya lagu qaadi karo.
Maalmihii u dambeeyay waxa Boosaaso ka socda bannaan-baxyo looga cabanayo sicir-bararka, islamarkaana looga soo horjeedo go’aankii madaxweyne Deni ku amray in kastamka iyo dekedda Boosaaso aan lagu canshuuri Karin Shiling Soomaali.
Dhinaca kale, waxan weli magaalada Boosaaso ka dhaqan-gelin go’aankii Puntland ku jaan-goysay sarrifka Dollar, kaas oo isla shalay ka dhaqan-galay magaalooyin ka tirsan Puntland.
PUNTLAND POST