Madaxweyne Deni oo kormeeray dhisme lagu kordhiyay Bankiga dhexe ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Bangiga dhexe ee Dowladda.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu, uu kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha cusub ee Bangiga, kuwaasi oo ka kooban xafiisyo, si casri ah loo dhisayo, iyo xarunta Kaydka Bangiga, ka dibna uu warbixin ka dhegaystay Mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe ee halkaasi kusoo dhoweeyay.

Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu sheegay, in dhismaha cusub ee lagu darayo Bangiga Dhexe ee Puntland ay dhammaan lacagtiisa bixisay Dowladda Puntland, si kor loogu qaado adeegga dowladdnimo ee loo hayo bulshada, lana tayeeyo oo la horumariyo dhaqaalaha dalka.

PUNTLAND POST