
Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa ka qayb galay shir uu soo agaasintay Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, kaas oo ay ka qayb-galeen Safiirada dalalka Carabta u fadhiya waddanka Shiinaha.
Danjire Cawaale Cali Kullane oo inta shirku socday ka hadlay ayaa halkaas ka sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xariirka dalalka carabta iyo Shiinaha, lagana shaqeeyo sidii loo badin lahaa kulamada nuucan oo kale ah
Sidoo kale waxaa magaca safiirada shirkaas ka qayb galay ku hadlay safiirka dalka Sacuudi Careebiya Danjire Turki bin Maxamed Al-maadii, isagoo halkaasna uga mahadceliyay xarunta kulankaan soo abaabushay sida ay marti qaadka ugu sameeyeen iyo wadashaqeynta dhaw ay doonayaan in ay la yeeshaan safiirada dalalka carabta.
Safiirada dalalka Carabka ee dalka Shiinaha ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in sidoo kale ka qayb galaan shirar kale oo lagu xoojinayo xariirka Ccarabta iyo Shiinaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.