Midowga Murashixiinta Muqdisho oo walaac xooggan ka muujiyay Xiisadda Colaadeed ee Gobolka Hiiraan

Midowga Murashixiinta Muqdisho  ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda colaadeed ee ka aloosan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan.

Qoraal ka soo baxay Golaha Midowga Murashixiinta Doorashada 2020/2021, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad-sugidda NISA, ay xiisad colaadeed ka abuureen Gobolka Hiraan, gaar ahaanna magaalada Beledweyne.

Goluhu wuxu sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ka dhex abuurtay Beelaha wada-deggan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, taasina ay dhaawac daran u gaysatay dhismaha Hirshabeelle loo dhanyahay.

Golaha Midowga Murashixiintu, wuxuu dowladda Federaalka ka dalbaday in ay joojiso Isku-dirka iyo Colaadda ay ka dhex waddo Beelaha wada-deggan Hirshabeelle, islamarkaana mas’uuliyad iska saarto Xallinta Tabashada Shacabka Beledweyne.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST