
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta hab maqal iyo muuqaal ah uga qeyb galay shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa sheegay in jubaland aysan doorasho ku qabanayn gobol aysan ka talin.
Madaxweynaha Jubaland ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay in ay arintaas si dhab ah u qaadato isla markana ay ciidamada iyo maamulka ay Gedo gaysay kasoo saarto, kuna wareejiso Jubaland.
Axmed Madoobeb ayaa sheegay in doorashada gobolada waqooyi ay muhiim tahay in laga tashado dadka tabashooyinka qaba, gaar ahaan Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Wuxuu sheegay madaxweynaha Jubaland in doorashada oo lagu shubto ama la boobo ay keenayso dhibaato aan kasoo kabasho lahayn.
Gabagabadii Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Xukuumada Federaalka ah in ay ka shaqayso sidii khilaafyada jira xal loogu heli lahaa dalkana ay uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.