Ururada Siyaasadda Puntland oo dhaliilay Xukuumadda iyo Baarlamaanka

Lix kamid ah ururada siyaasadda Puntland ayaa ka hadlay sicirbararka iyo xuldhibaanadii xasaanada laga qaaday.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Lixda urur siyaasadeed ee Mideeye, Mustaqbal, Horseed, Dhalinyarada, Runta iyo Caddaaladda iyo Ifiye oo nuqul kamid ah u soo gaaray Puntland Post, ayay ku sheegeen in xukuumaddu qaabka ay u wajahday sacirbararka ay tahay marin habaabin ka fog sida sax ah.

Ururada ayaa tilmaamay in labadii wareegto ee xukuumadu kasoo saartay xaaladaha sicirbararka ay uga sii dareen xaalka, sidoo kale aysan is waafaqsanayn in shilinka Soomaaligu xukuumaddu diido, shacabkana ku amarto in ay qaataan.

Dhanka kale Lixda urur siyaasadeed ayaa tallaabadii Baarlamaanka Puntland xasaanadda uga qaaday 8-da xildhibaan ku tilmaamay mid baal-marsan Dastuurka Puntland.

Ugu dambeyna ururadu siyaasaddu waxay welwel ka muujiyeen qaabkay u hirgeli karto dimuqraadiyadda loo socdo, haddii aan la dhowrin Dastuurka iyo xeerarka Puntland.

PUNTLAND POST