
Shirkadaha bixiya adeegyada lacagta danabeysan ayaa bilaabay dhaqangelinta go’aankii Xukuumadda Puntland ee ahaa in aan $1 doolar iyo wixii ka yar la isugu diri karin adeegyadaas.
Adeegyada Sahal iyo E-Dahab oo ah kuwa ugu badan oo lacagta danabeysan loo adeegsado ayaa hadda kadib la joojiyay in la isugu diro $1 doolar iyo wixii ka yar.
Xukuumadda Puntland oo ka jawaabaysa cabashooyinka la xiriira sarifka lacagaha ayaa todobaadkii hore soo saartay go’aanka lagu xadidayo lacagta danabeysan ee moobilada la isugu diro.
Dhanka kale waxaa weli fadhiyin tareefada lacagaha, waxaana $1 lagu sarifayay maalmahan degaannada Puntland inta u dhaxaysa 40,000 ilaa 50,000 Sh.S.
Puntland ayaa la daalaadhacaysa sicirbarar saameeyay xasilloonida.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.