Puntland oo jaan-goysay Sarrifka Dollarka si loo xakameeyo Sicir-bararka

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in joon-goyn rasmiya loo sameeyay Sarrifka Lacagta Dollar, si loo xakameeyo Sicir-bararka baahsan ee ka taagan degaannada Puntland.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta, ayaa shaaciyay in Sarrifka halkii Dollar ($1) lagu jaan-gooyay 35,000 oo Shiling Soomaali ah, si loo xakameeyo Sicir-bararka.

Wasiirka ayaa sheegay in jaan-goynta Sarrifka, uu sameeyay Bankiga dhexe ee Puntland, kaas oo Sarrifka ($ 1 Dollar) ka dhigay 35 kun oo Shiling, si looga soo kabto qiima dhaca ku yimid Shiling Soomaaliga oo keenay sicir-bararka.

Sidoo kale, wuxu sheegay in aysan dowladdu diidin Lacagta Shiling Soomaaliga ah, islamarkaana dowladaha hoose lagu amray in ay canshuurta ku qaadaan Shiling Soomaali.

PUNTLAND POST