PUNSAA oo baaq ka soo saartay xaaladda sicir-bararka Puntland

Dalladda ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, ayaa ku baaqday in xukuumadda iyo Ganacsatada Puntland isu’gu yimaadaan kulan guud oo ku saabsan xakamaynta Sicir-bararka, si wax looga qabto qiimaha dhaca Lacagta Shiling Soomaaliga ah.

Nuxurka dood-cilmiyeed ku saabsan qiima dhaca Shilinga Soomaaliga oo PUNSAA ku qabatay Garoowe, waxa ka so baxay Tala-soojeedin ah, in ay kulan guud isu’gu yimaadaan Ganacsatada iyo dowladdu, si loo xakameeyo sicir-bararka.

Dood-cilmiyeedka PUNSAA, waxa ka qayb-galay oo Ra’yigooda ka dhiibtay Khubaro dhaqaale, Ganacsato, Sarriflayaal, Aqoonyahanno, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka.

Hoos ka akhriso Baaqa PUNSAA

PUNTLAND POST