Musharaxiin digniin soo saaray

Qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya yaa war kasoo saaray guddoonka ay doorteen guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Muqdisho ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay iska dhagatirtay baaqyadii horey uga soo baxay musharaxiinta ee ahaa in guddiyada doorashooyinka ay noqdaan kuwo la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale musharaxiinta Muqdisho ayaa ku wargeliyay dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay qaadayaan tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo sida ay sheegeen in ay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ka dhaco firaq dastuuri ah.

Musharaxiinta Muqdisho ayaa tilmaamay in madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda ka dhalata doorasho aan xor ahayn oo lagu wada qanacsanayn.

PUNTLAND POST