Garoonka diyaaraha Garowe oo dib u furmay

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ayaa dib u furmay, kadib afar maalmood oo u xirnaa diyaarad ku dhacday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan.

Dadaal badan kadib waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in diyaaraddii Air Djibouti Boeing 737-500 laga wareejiyo khadka diyaaraduhu ku ordaan.

Sawirro laga soo qaaday garoonka oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay diyaarada oo laga jiidayo Runway-ga garoonka, iyadoo la isticmaalayo qalab dhisme.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe oo xariga laga jaray 2018 ayaa la’hayn Taaga diyaaraha lagu qaado ama lagu jiido marka ay dhacaan ama cilado ku yimaadaan (Aircraft Tow Tractor).

Shilkii todobaadkii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha Garowe ayaa Puntland kala kulantay caqabado badan oo ay tahay hadda kadib in ay ka fakarto.

PUNTLAND POST