
Inta badan ganacsiga magaalada Garowe ayaa maanta xiran, kadib markii uu kor u sii kacay sarifka doolarka sidoo kale la xadiday lacagta danabaysan.
Garowe ayaa saaka ku waabariisatay iyadoo ay xiran yihiin suuqa weyn ee khudaarta iyo hilibka ee Inji, bacadlayaasha iyo inta badan goobaha kale ee ganacsiga, waxaana ganacsatadu ka cabanayaan maciishada oo sii qaaliyoobaysa, safirka oo aan fadhiyin iyo lacagta danabaysan oo la xadiday.
Qaar kamid ah waddooyinka Garowe ayaa lagu arkayaa mudaharaadyo teel teel ah, halka dowladda ay ciidamo dhoobtay suuqa iyo waddooyinka qaar, iyadoo ka cabsi qabta in ay dhacaan mudaharaad rabshada wata.
Garowe ayaa lagu sarifayaa $1 inta u dhacaysa 40,000 ilaa 50,000 Sh.S, waana mid aan fadhiyin oo qof walba waxa uu doono ku sarifayo.
Xirnaanshaha ganacsiga Garowe ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu dhaqangalay xalay ga’aankii dowladda ee ahaa in aan $1 doolar iyo wixii ka yar la isugu diri karin lacagta danabaysan.
Sicir bararka Puntland oo muddo soo jiitamayay ayaa si gaar ah u saameeyay dadka danyarta ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.