
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq u aadan doorashooyin u diray dowlad goboleedyada Puntland Jubbaland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Puntland iyo Jubbaland oo aan weli soo magacaabin xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay.
“Waxaan ugu baaqayaa dowlad goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka in ay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay.
Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya, iyadoo qaar kamid ah musharaxiinta ay ku eedeeyeen madaxweynaha in uu wado isku day uu ku doonayo in uu ku boobo doorashada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.