
Xukuumadda Puntland ayaa xalay go’aan kale ka soo saartay xakamaynta sicir-bararka baahsan ee ka jira gudaha Puntland.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa amar ku siiyay dhammaan Shirkadaha isticmaala adeegyada Lacag-dirista danabaysan ee ( E-money), in aysan nidaamkooda ku samayn Karin Lacag Shiling Soomaali ah.
Wasaaraddu waxay sidoo kale Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.
Amarkaas ayaa ku soo beegmay, xilli maanta oo Sabtiya uu Puntland ka dhaqan-gelayo go’aan Khamiistii ka soo baxay xukuumadda, kaas oo lagu joojiyay in hal Dollar iyo wixi ka yar la isu’gu diro nidaamka (E-money).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.