
Waxaa maanta oo sabti ah (05 December 2020) dhaqangeli-waayay go’aankii Xukuumadda Puntland ee ahaa in aan $1 doolar iyo wixii ka yar lagu diri karin adeegyada lacag-dirista mobile-ka ee laga isticmaalo gudaha Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha Wasiiradda todobadkii hore ayaa lagu sheegay in dowladdu go’aamisay laga bilaabo 05 December 2020 in $1 iyo wixii ka yar aan lagu diri karin adeega lacagta-danabeysan ee Mobile-da la isugu diro.
Deegaanada Puntland ayaa maanta sidii hore looga isticmaalayaa adeegyada lacag-dirista mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) iyadoo uusan wax saameyn ah ku yeelan go’aankii dowladda.
Waxaa muuqata in uusan jirin wax is-afgarad ah oo ay gaareen dowladda iyo shirkadaha adeegyada lacag dirista taleefoonnada gacanta, ka hor inta aan dowladdu soo saarinta ga’aankan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.