Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo war ka soo saaray Cabashooyinka la xiriira Sicir-bararka

Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa maanta oo Jimce ah war ka soo saaray cabashooyinka iyo dibad-baxyada ka dhashay sicir-bararka ee ka dhacay magaalooyinka Puntland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Difaacaha, ayaa lagu xasuusiyay Madaxda iyo Golayaasha kala duwan ee Puntland, in ay waajib tahay ka jawaabidda cabashootinka muwaadiniinta ee la xiriira xaaladda Sicir-bararka ba’an ee saameeyay Shacabka Puntland.

Sidoo kale, Xafiiska ayaa Laamaha Amniga Puntland ku boorriyay, in ay ilaaliyaan Xuquuqda Dastuuriga ah ee Bannaan-baxayaasha ka cabanaya Sicir-bararka, islamarkaan ay taddar ka muujiyaan wax kasta oo khatar ku ah Nolosha muwaaddinka.

Hoos ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST