Xukuumadda Puntland oo go’aan cusub ka soo saartay xakamaynta sicir-bararka

Xukuumadda Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah go’aan cusub ka soo saartay xakamaynta  sicir-bararka ba’an ee ka taagan degaannada Puntland.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu go’aamiyay, in wixii ka yar $1 Dollar oo lacag ah aan lagu diri Karin adeegyada lacag-dirista mobile-ka ee laga isticmaalo gudaha Puntland sida SAHAL, E-DAHAB iyo kuwa lamidka ah.

“Iyadoo laga jawaabayo cabashooyinka la xiriira Sarifka lacagaha, Dowladdu waxay go’aamisay laga bilaabo 05 December 2020 in $1 iyo wixii ka yar aan lagu diri Karin adeega lacagta-danbeysan ee Mobile-da la isugu diro sida SAHAL, E- DAHAB iyo kuwa la mid ah.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale, waxa dowladaha hoose ee Puntland lagu amray, in ay qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, waxaana xukuumaddu beenisay in la joojiyay qaadashada Lacagta Soomaaliga ah.

Xafiisyada Dowladdaha hoose ee degmooyinkana waxaa la faray inay qaadan karaan Shillin Soomaaliga oo aysan diidi Karin. Isticmaalka Shillin Soomaaliga lagama joojin deegaanada Puntland, wax waad ku iibsan kartaa, waana lagaga iibsan karaa.”

PUNTLAND POST