
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addisababa, Amb. Jaroslav Zukersein oo safar ku jooga Somaliland.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay, in Kulankaas lagaga wada hadlay; iskaashiga xiriir rasmi ah oo dhexmara maamulka Somaliland iyo dowladda Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta iyo arrimaha ganacsiga
Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wefdiga warbixin ka siiyay, xaaladda Somaliland iyo hormarka ay ka samaysay dhinacyo kala duwan.
Ugu danbayntii, Kulankaas Madaxtooayda Somaliland sheegtay in uu ku dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Somaliland



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.