
Dowladda Puntland ayaa joonisay in ay canshuur ku qaado lacagta Shillinka Soomaaliga, iyadoo degaannada Puntland sicir barar ba’an ka jiro.
Wareegto ka soo baxaday madaxweyne Deni ayaa lagu amray Wasaaradda Maaliyadda in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta dowladda lagu qaadi karin lacagta shillinka Soomaaliga.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in tallaaban la qaaday iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka, laga billaabo 1-da December 2020.
Hoos ka akhriso wareegtada
Garoowe, 30, November, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.
Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland
Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland
Og: Bangiga Dowladda Puntland
Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.
Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.
Fulin wacan
Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland
DHAMMAAD
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.