MAXAY TAARIIKHYAHANNADII HORE AEE GIRIIGGU KA YIRAAHDEEN DADKII DAGGANAA DHULKA SOOMAALIDA.
Bilowgii Hordhaceenna, waxa aynu ku soo sheegnay, in ay jiraan dhawr dariiq oo loo maro marka la doonayo in bulsho wax laga ogaado. Taariikhda iyo taariikhyahannada ayaynu soo sheegnay in ay yihiin mid ka mida meelaha ugu muhiimsan ee bulsho laga raadraaco. Innaga oo taas ka duulayna ayaynu xubintaan ku eegi doonnaa bal wixii ay taariikhyahannadii hore ka qoroon dadkii ku noolaa dhulka ay imminka Soomaalidu daggantahay.
Qormadii hore waxa aynu ku soo khatinnay aragtidii Dr. Mansuur ee ahayd in awoowayaashii hore ee reer Kuush ay ka soo hayaameen Ciraaqdii hore. Runtii aragtidaan ma ahan mid ku kooban isaga iyo cilmi baarayaal kale oo reer galbeeda oo uu xogtooda soo naqliyey. Inta badan taariikhyahannadii Carbeed ee muslimka ahaa ayaa xusay hayaankaan ay ilma Xaam dhulkoodii asalka ahaa uga soo hayaameen. Dadkii ugu horeeyey ee hayaankaan xusay ayaa ahaa Abu Cabbaas Al-Yacquubii iyo Abu Xasan Cali ibn Xuseen Al-Mascuuddii oo kala noolaa qarnigii 8aad iyo kii 9aad.
Labaduba, waxa ay sheegeen in ilma Xaam oo ahaa reer Kuush, Reer Barbar iyo reer Misir ay ka soo hayaameen dhulkoodii asalka ahaa ee Ciraaq, soona mareen Siiriya, markii ay Masar yimaadeenna ay halkaas ku kala bayreen. Waxa ay sheegeen in Barbarku u jihaysteen dhanka waqooyiga ee Afrika, reer Misirna ay Masar dagaamaysteen, halka reer Kuush ay Suudaan illaa barigeeda isku kala bixiyeen.
Haddii aad u fiirsato cid walba oo la kulantay ama wax ka qortay dadkaan aynu ku sheegnay ee reer Kuush, ee ku firarsan koonfurta Masar illaa geeska Africa, waxa aad arkaysa in ay u muuqanaysan islahaanshahoodu.
Itoobiyaankii Cimriga Dheeraa
Reer Kuushka dhulkaan ku firrirsanaa ee aynu soo xusnay waxaa Giriiggii hore u yaqaaneen Itoobiyaan. Micnaha magacaan ayaa ah dadkii wajiyada gubnaa, (yacni dadkii Qorraxdu wajiyadooda ay gubtay). Ciddii ugu horraysay ee magacaan xusta ayaa ahayd faylasuufkii waynaa ee Homer oo noolaa qarnigii 8aad Ciise ka hor. Laakiin ciddii ugu horreysay ee ummaddaan si waafiya wax uga qorta waxa uu ahaa taariikhyahankii waynaa ee reer Giriig Herodotus ee noolaa qarnigii afraad Ciise ka hor. Herodotus waxa uu kitaabkiisa taariikhda uga waramay dadkii uu u yaqaanay Itoobiyaankii dhaadheeraa ama Macrobiankii dagganaa koonfuta Masar illaa geeska Africa sida khariiradiisa ka muuqata. Herodotus waxa uu sheegay in dadkaani ay ahaayeen dad dhaadheer oo aad u qurux badan oo haddana cimri dheer. Waxa uu yiri waxa uu cimrigoodu gaari jirey 120 sano. Mar uu xusay waxa ay dadkaasi ku noolaayeen ee u suuragaliyey in ay cimrigaas garaan na waxa uu ku sheegay in ay ahayd cad iyo caano ay quudan jireen.
Magaca Itoobiyaanka ee uu Herodotus sheegayo waa magac ay lahaayeen dadkii reer Kuush ee dagganaa dhulkii uu tilmaamay. Dadkaan dawladdooda waxaa saldhig u ahaa magaaladii qadiimka ahayd ee Moro’e oo ku taalay Suudaanta maanta. Magacaan, qarnigii la soo dhaafay ayaa waxaa xaday dawladdii Xabashida oo waagoodii hore loo aqoon jirey Axumate markii dambana loo yaqaanay Abbyssinia. Magaca Abbyssinia waxa uu ka soo jeedaa magaca Xabasha oo ay Boortaqiisku qalloociyeen. Xabashidu ma ahayn Xaamiyiin reer Kuusha, ee waxay ahayeen Saamiyiin Carabta la bah ah. Waxa ay ka soo hayeemeen ayaa la sheegaagaa Yaman, gaar ahaan gobolkii Ma’rib kadib markii uu biyo-xireenkii waynaa ee Ma’rib uu fatahay.
Halaka ay qabaa’ishaani ka soo hayaameen ayaa ahayd meeshii ay ka jirtay boqortooyadii wayneed ee reer Saba ee uu Qur’aanku ka warramay. Kolka ay soo hayaamayaan oo ku beegan 800 oo sano Ciise ka hor, dhulka joogga sare ee Itoobiya waxaa dagganaa qoomam dhaqata ah oo reer Kuush ahaa sida Reer Agow iyo Beeja, kuwaas ayayna ahaayeen kuwii magaca Itoobiya loogu yeeri jiray iyaga oo qayb ka ahaa bahwadaagtoodii kale ee geeska daadsanayd. Maadaama Xabashida iyo bahwadaagtoodii ay soo wada hayaameenba ay ahaayeen kuwo ka yimid mandiqad ay xaddaaradi ka jirtay, waxaa u suurowday in ay dhidbaan dawlad sal ballaaran oo markii dambe loo bixiyey Axumate Empire qarnigii afraad na masiixiyadda qaadatay. Laga soo bilaabo markii la aasaasay illaa
qarnigii sagaalad waxaa ka talinayey kuwii dhistay, laakiin qarnigii tobnaad ayay ku soo wareegtay dadkii asalka ahaa ee dhulka loogu yimid ee Agawgii reer Kuush, kuwaas oo taladeeda hayeyey illaa qarnigii 13aad.
Labo boqol oo sano Herodotus ka bacdi, dhulka Soomaalidu maanta dagto waxa uu ka mid ahaa dhul uu Agatharkhides ku tilmaamay dhulkii Troglodutike. Mar uu sharaxaad ka bixinayey dadkaasi nooca ay ahaayeen, waxa uu sheegay in ay ahaayeen dhaqato ay u talin jireen hoggaamiyaal dhaqameedyo. Waxa uu sheegay in haweenku door wayn ku lahaayeen dajinta colaadda ka dhalan jirtey daaqa, gaar ahaan kolka uu gacan ka hadalku gaaro in dhiig la daadsho.
Dhanka kalana waxa uu sheegay in bulshadaas ay lahayd dhaqanka xaalmarinta ee ay Soomaalidu maanta isticmaasho. Tusaale ahaan, ninka la seexda haweenta hoggaamiye dhaqameedka waxaa laga qaadi jirey sabeen xaal ah, ayuu yiri. Waxa ay cuni jireen hilib la kariyey, waxa ayna cabbi jireen dhiig caano lagu daray, halka ay oday- dhaqameedyadu malabka iyo biyaha ka cabbi jireen. Waxa uu sheegay in dadkaani is-gudi jireen, maydka xabaalan jireen, xoolahana koor ku xiran jireen. Wuxuu yiri maydka inta ay fariisiyaan ayay garkiisa iyo gondihiisa isku xiri jireen, kolkaas ayay dhagax ku tuumin jireen (taallo-tiiriyaad). Intay gees riyaad ka kor mudaan ayay ka tagi jireen, ayuu yiri. Qisadaan ka eeg sharraxa kitaabka The Periplus ee uu sharaxay G.W.B. Huntingford.
Taariikhyahankii kale ee Reer Giriig ee Noolaa billowgii qarnigii koodaad ee Starabo, ayaa isaguna soo gudbiyey isla qisadaan oo u muuqata in uu qoraaga hore ka soo naqliyey. Waxa kale oo uu sheegay in dhulkaan illaa laga gaarayay Ras Gardafuu uu ahaa dhul ay daggan yihiin dadkaan Itoobiyaanka ah. Starabo waxa uu qabaa in Itoobiyaanku ahaayeen labo nooc oo ay qaybi dagganayd Hindiya, ayna dhici karto in kuwan geeska daggani ay halkaas ka soo hayaameen. Strarabo waxa uu xusay in dhulka Soomaalidu uu xilligaas caan ku ahaa Fooxa iyo Xawaashka. Sidoo kale waxa uu gobalka Bari ku sheegay meel ay mari jireen wabiyo waawayn iyo dhul dhir waawayn oo badani ku taalay. Xeebaha waqooyi ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay daggaanaayeen dad uu ku tilmaamay kuwii kalluunka iyo hilibka cuni jirey. Dadkaani ma ahayn ayuu yiri kuwo jirkooda jeejjeexa. Waxaa kale oo uu sheegay in wixii Ras Gardafuu ka shisheeyay aan aqoon xilligaas loo lahayn.
Soo Ifbixitaankii Magaca Barbarka.
Ugu dambayntii qoraagii buuggii The Periplus Of The Erythrean Sea ee aynu horay u soo sheegnay markii aynu taariikhda dalka ka hadlaynay, waxa uu xeebaha Suudaan illaa Xaafuun uu marakan ku tilmaamay dhul ay dagganaayeen dadka Barberiya. Dhulka ganacsadahaani markan uu ku tilmaamayo Barberiya waa dhulkii ay dagganaayeen dadkii aynu horay ugu soo tilmaanay Itoobiyaanka. Barbarkaan ayuu ku kala sheegay magacyo tilmaamaya waxa ay cuni jireen, sida kuwii kalluunka cuni jirey, kuwii caleenta cuni jirey iyo kuwii hilibka cuni jirey. Dhulka Soomaalida ayuu ku tilmaamay Barberkii cirifka shishe, oo ahaa kuwa dhanka bari ugu xiga reer Barber. Dhanka koonfureed ee dhulka Soomaalida ayuu ku tilmaamay dhulka Zinjiga, oo uu qayb dhulkaas ka mid ah dadkii dagganaa ku sheegay in ay ahaayeen dad qalfoof waawaynaa.
Laga soo bilaabo xilliga qoraagani uu dhulka Soomaalida maray oo ahayd qarnigii koobaad Ciise kabacdi, illaa bilowgii qarnigii 15aad dhulka Soomaalida waxaa loon yaqaanay dhulkii Barbarka. Sida aynu gadaal ku arki doonno xilligii Carabtu bilowday in ay dhulka Soomaalida wax ka qoraan ama ka hadlaan magaca kaliya ee ay dadkiisa u yaqaaneen waxa uu ahaa magaca Barbarka. Magacaas Barbarka waxaa markii dambe baddalay macaga aynu maanta isu naqaan ee Soomaali oo markii ugu horraysay oo isaga oo qoran la arko ay ahayd bilowgii qarniqii 15aad, kana soo ifbaxay dhanka galbeedkii soomaaliya gaar, ahaan halkii ay ka talin jireen saldanadihii Islaamka ahaa ee Ifat iyo Adal. Magacaan Soomaali waxa uu si wanaagsan u soo shaacbaxay qarnigii 16aad markii uu socday jihaadkii Soomaalidu lafdhabarka ay u ahayd ee uu Iimaan Axmed-Guray Hoggaaminayey.
La soco Qaybta 10aad.
Mohamed Ahmed Elmi.