Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay Bam-gacmeed ku tuuray saldhiga degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Saraakiisha Amnigu waxay sheegeen in Bamkaas aysan wax khasaare ah ka soo gaarin cidna islamarkaana gacanta lagu hayo ninkii tuuray oo markiiba la qabtay.
Sidoo kale waxay tilmaameen in ay dhowaan shariciga horgayn doonaan eedaysanaha oo lagu tuhunsanyahay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab.
Laamaha Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay dardar gelin ku waday Amniga magaalada kadib markii Qaraxyo ka dhaceen halkaas.
PUNTLAND POST