Muxuu Raisedon Zenenga kaga hadlay shirkii jaraa’id ee Garowe?

Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga oo hoggaaminayay wafdi ka socday Beesha Caalamka ayaa ka hadlay kulan ay Garowe kula qaateen madaxweynaha Puntland.

Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horreyn taageeray heshiiskii laga gaaray doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

Raisedon Zenenga wuxuu ku baaqay in la xalliyo muranka ka jirada soo xulista ergada Somaliland iyo gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in kulummada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sii socdaan si doorashadu u qabsoonto sanadka dambe kaddib marka xubnaha aqalka sare iyo xildhibaannada baarlamaanka la soo doorto.

Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga wuxuu Madaxweyne Deni ku ammaanay kaalintiisii shirarkii Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

PUNTLAND POST