Muqdisho: Macallin Ilkacase iyo shabakaddiisi oo dil lagu fuliyay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka waxa ay xukun dil ah ku fulisay, Maxamed Xaaji Axmed oo Caan ku ahaa ( Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Fagaaraha Dugsiga Tababarka Jeneraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya, ayaa saaka lagu toogtay  Maxamed Xaaji Axmed ( Macalin Ilkacase) iyo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay falal Argagixiso iyo Shabaabnimo.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019, waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubno kale,kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dil ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST