Kulan gaar ah oo ku saabsan Doorashada 2020/2021 oo xalay ka dhacay Villa Somalia

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed, Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararku waxay sheegayaan, in kulanka oo saacado badan qaatay looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka soo socda iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daajir, waxaana kulankaas uu ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen oo u dhexeeyay Madaxda kulmay oo kaliya.

Kulankaas ayaa ku soo beegmay, xilli Midowga Musharrixiinta u tartmaya Doorashada 2020/2021 oo shirk u yeeshay Muqdisho ay ku baaqeen in la beddelo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

PUNTLAND POST