Ka Taariikheynta Colaadda Soomaalida

W. Q. Liibaan Axmad

Hindisaha ka taariikheynta si nabad loo dhiso (Oral Historiography for Peacebuilding Initiative) oo ay UNDP iyo Wasaaradda Arrimmaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu iska kaashanayaan wuxuu ku soo beegmay xilli Soomaaliya ku sii socoto sanadguuradii 30aad markii dowladdii dhexe ay dhacday Janaayo 1991kii.

Dhallinyaro da’doodu u dhexeyso 18 iyo 39 sano ayaa ka qeybgali doona ururinta xogta. Faca ka taariikheyn doona colaadda Soomaaliya waa fac aan si toos ah dagaallada uga qeybgalin. Qofkii jiray 20 sano 1991kii kuna sugnaa Soomaaliya wuu xusuustaa taliskii askarta iyo sida dagaallada sokeeye u aloosmeen. Facan iyo faca ka weynba iskuma raacsana sababaha burburka dhaliyay. Waa faca, haddii ay si maskaxfuran u eegaan waxa soo maray, la wadaagi kari lahaa faca ka dambeeyay.

Ka taariikheyntu (oral history) waa xog laga soo ururiyo dad u soo taagnaa ama uu si uun u saameeyay wixii dhacay. Waa xog ku salaysan xusuustooda. Xusuustu wax way kala illowdaa, wax ula kac bay uga tagtaa, waxna ula kac bay u xulataa. Maxaa kaalinta taariikhyahanka Soomaaliyeed looga dhigay mid aan wax-ku-ool ahayn? Taariikhda taagan (contemporary history) qoristeedu way adag tahay waayo taariikhyahanku wuxuu u baahan yahay waqti aad uga fog wixii dhacay si uu dhacdooyinka ugu eego si xaqsoor leh. Wax qarsoon ma aha in xarummaha argti-shiilka (think tanks) u ololeyaan dano kooxo gaar ah ka sokow dalka Soomaaliya oo leh barakacyaasha ugu tirobadan Bariga Afrika.

Mid ka mid ah sababaha mashruuca loo unkay waa “Soomaalida oo ah bulsho hadal”.  Ereyga la isticmaalay waa oralist (qof u ololeeya in dadka dhegaha la’ la baro sida bushimaha loo akhriyo) oo ka duwan oral (hadal).

Bulshooyinka hadalka wax iskugu gudbiya marka laga hadlayo ereyga orality ayaa la adeegsadaa inkastoo labo nooc uu u sii kala baxo. Dhaqan hadlaa (oral culture) waa laba erey oo macneyaal kala duwaan u leh dad badan sidaas darteed kuma habboona in loo adeegsado Soomaalida. 

Walter J. Ong buuggiisa Orality and Literacy   wuxuu xusay in maansada oo sida loo tiriyay loogu celiyo ay tahay mid ka mid ah tilmaammaha dhaqanka hadlaaga. Soomaalida dhexdeeda marka qof uu xusayo sida dhaqanka wax akhrintu u yar yahay waa suurtogal inuu laba erey (dhaqanka hadlaaga ama bulsho hadal) midkood adeegsado.

Toddobaatanaaadkii iyo siddeetanaadkii dhaqan hadlaagu wuxuu ifitiimin jiray sida Soomaaalidii  hore maansooyiin iyo sheekooyin badan ugu keydiyeen xusuustooda dadka oo aan lahayn far wax lagu qoro. Sagaashanaadkii markii dowladdii dhexe ay burburtay dhaqanka hadlaagu waxuuu yeeshay macne cusub, ka duwan kii cilmibaareyaashu isla yiqiinneen.

Waalidka qaarkood waxay diidaan in carruurtooda la tallaalo. Hadallada la isla dhexmaro way ku dhex fidaan dhaqanka hadlaaga, waxaa ka mid ah fikradaha aan waxtarka lahayn in tallaalku lid ku yahay diinta Islaamka, ama in tallaalka aad cudurka AIDS ka qaadi karto” ayuu Robert Guest ku qoray buuggiisa aadka loo iibsaday The Shackled Continent: Africa’s Past, Present and Future.   Doodda Guest waa in dhegweynenimo la socoto dhaqanka hadlaaga.

Af Soomaaliga waxaa far loo doooray 48 sano ka hor. In maanta wadaagista xusuusta ku saabsan colaadaha Soomaaliya soo maray dhowr iyo soddonkii sano ugu dambeeyay lagu soo koobo hadal waa tusaale ku saabsan sida hay’adaha gargaarku u hindisaan mashruucyo aan ku salaysnayn aqoonta ku saabsan dadka adeegyada loo fulinayo. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waa inay dib u eegto hindisaha ka taariikheynta colaadda iyo fidinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

 Sida Robert Guest wax u qoray waa sidan: “Some Somali parents refuse to let their children be vaccinated. In an oral culture rumours proliferate, including the rather unhelpful ideas that vaccines are un-Islamic, or that they give you AIDS.” Bogga 148.

Liibaan Axmad

libahm@gmail.com