Garowe: Deni iyo wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kulmay

Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdiga Beesha Caalamka ee la kulmay madaxweynaha Puntland ayaa ka koobnaa Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibrahim.

Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in wafdiga Beesha Caalamka uu madaxweyne Deni kala hadlay dhameystirka geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan magacaabida guddiga doorashooyinka heer gobol iyo doorashada Aqalka sare.

Puntland iyo Jubbaland ayaa weli magacaabin guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed.

Kulanka Madaxweyna Puntland la qaatay wafdigan waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dastuurka Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid.

PUNTLAND POST