Ethiopia oo shaacisay in ay ka adkaatay Xoogagga Tigray ee TPLF

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa si rasmiya u shaaciyay in laga adkaaday Xoogagga TPLF, kadib markii ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Mekelle ee caasimadda Gobolka Tigray.

War qoraal ah oo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay, ayuu ku sheegay, in ay gudaha u galeen magaalada Makelle, iyadoo aan la bar tilmaameedsanin dadka rayidka ah ee aan dambiga laheyn.

Hogaamiyaha ururka TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia Debretsion Gebremichae,l ayaa wakaaladda wararka ee Reutres u sheegay in aysan weli quusanin.

Debretsion Gebremichael, ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in Mekelle oo nus million dad ah ay ku nool yihiin duqeymo xooggan ay ku socdeen afartii todobaad lasoo dhaafay.

PUNTLAND POST