XOG: Khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan Axmed Karaash iyo Ismaaciil Maxamed Warsame

Khilaaf xooggan oo la xiriira xulista xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Gobolka Sool, ayaa ka dhex aloosan Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi cisman Karaash iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Dad xog-ogaal ah oo diiday in  magacyadooda la xigto, waxay Puntland Post u xaqiijiyeen in khilaafka labada mas’uul oo ku salaysan dano siyaasadeed, uu xaalad jaah-wareer ah ku keenay xulista xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Sool iyo Cayn.

Labada mas’uul, oo mid kasta doonayo in uu saamayn siyaasadeed ku yeesho xulista xildhibaannada heer Federaal, ayaa ku muransan hannaanka Awood-qaybsiga Beelaha deggan Sool iyo Cayn, waxaana midba kan kale ku eedaynayaa in uu sed-bursi raadinayo.

Sidoo kale, waxa khilaafkoodu saameeyay xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto Sool iyo Cayn, kuwaas oo u kala jabay laba Garab, oo la kala safan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka.

Waxa xusid mudan, in xiriirka Karaash iyo Ismaaciil uusan hagaagsanayn, tan iyo bishii Maarso ee sannadkan 2020, xilligaas oo ay ku murmeen magacaabidda Taliye ku xigeenka Madaxtooyada Puntland G/sare Cabdirisaaq Axmed Cali.

PUNTLAND POST