Ciidamada Milateriga Itoobiya, ayaa sheegay in ay dhowr jiho weerar culus kaga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.
Sarkaal ka tirsan Milateriga Itoobiya, ayaa warbaahinta dowladda Itoobiya u sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle .
Waxa uu sheegay in ciidankii ka dhaqaaqay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .
Dhanka Adigrat, ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka dhaqaaqay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.
Aaga Raya ayaa sarkaalku tilmaamay in ciidankii ka tegay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh iyo Hewane.
Sidoo kale, wuxuu xusay in ay kaabiga u saaran yihiin magaalada Mekelle ee caasimadda u aha Gobolka Tigreega islamarkaana ay qabsan doonaan saacadaha soo socda.
PUNTLAND POST