
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Sabti ah Xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wakiilka Haya’adda UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen iyo wefdi uu hoggaaminayo.
Madaxweyne Deni, oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Haya’adda UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen iyo wefdi, waxaa la sheegay in ay ka wada-hadleen xiriirka Puntland iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA.
Madaxda UNFPA, ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta shaqooyinka ay ka wadaan Puntland, mashaariicda arrimaha bulshada ee socda iyo kuwa qorsheysan, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.