Addis Ababa (PP) — Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gacankiisa Twitterka ku soo qoray in ciidammada Itoobiya hadda gacanta ku hayaan Mekelle, caasimadda Tigray oo TPLF gacanta ugu jirtay.
Si madaxbannaan looma xaqiijinin warkam oo hadduu dhaboobo muujinaysa in hawlgalkii dowladda Itoobiya ku tilmaantay dib u soo celinta sharciga uu soo gabagaboobay.
Dowladda Itoobiya ayaa billowgii bishan ku dhawaaqday weerar ka dhan TPLF oo doorasho gaar ah ka abaabushay Tigray bishii Sebteembar.
Waxaa la rumeysan yahay in dowladda Eritreeya ay gacan Itoobiya ka siisay la dagaallanka TPLF.

© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.