Somaliland oo toogasho ku fulisay lix eedaysane

Maamulka Somaliland ayaa aroornimadii hore ee saaka oo Khamiis ah dil toogasho ku fuliyay lix nin oo ku xirnaa xabsiga degaanka Madheere, kuwaas oo horay maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen.

Magacyada lixda nin ee la toogtay waxay kala yihiin Yaasiin Maxamed Yuusuf, Sharma’arke Sahal Oogle, Quulle Maxamed Cilmi, Khaalid Cabdi Xaydar, Khadar Maxamed Warsame iyo Cabdikariin Maxamed Mahdi.

Raggaas ayaa ku eedaysnaa in ay hore u gaysteen dilal kala duwan, waxaaa maxkamadaha Somaliland dhammaan ku xukumeen dil toogasho ah.

PUNTLAND POST