Sheikh Shariif oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Baydhabo.

Socdaalka Ex. Madaxweyne Sheikh Shariif ee Baydhabo, ayaa la sheegay in uu bilow u yahay Safarkiisa Ololaha Doorashada, oo uu ku tegi doono qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Magaalada Baydhabo, waxa haatan ka socota qaban-qaabada soo dhowayn loo samaynayo wefdiga Sheikh Shariif, waxaana halkaas uga sii horreeyay xubno ka tirsan Xisbigiisa Himilo Qaran.

Ex. Madaxweyne Sheikh Shariif, ayaa lagu wadaa in uu la kulmi doono Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, isagoo kala hadli doona cabashada la xiriira muranka ka taagan guddiga doorashada oo Musharaxiinta Mucaaradka ay sheegeen in shaqaale rayid ah iyo askar ku jiraan.

PUNTLAND POST