Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan Sadiq al-Mahdi oo Coronavirus u dhintay

Sadiq al-Mahdi  oo haa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta oo Sudan iyo dunidaba magac ku lahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka imaaraadka saakay oo khamiis ah .

Wuxuu ahaa ra’isulwasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuu ka Coronavirus.

Sadiq al-Mahdi  oo ahaa 84 jir wuxuu ra’isulwasaare ka soo noqday Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 sidoo kale 1986 ilaa 1989.

PUNTLAND POST