Joe Biden oo farriin u diray shacabka Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ku boorriyay dadweynaha Mareykanka in ay dhabarka dhuuqsadaan oo ay u midoobaan dagaalka lagula jiro Aafada Coronavirus, isagoo sheegay in Mareykanka uusan dagaalka ku guuldarreysan doonin.

Biden oo ku sugan magaalada Wilmington ee gobolka Delaware ayaa hadalkan jeediyay maalin ka hor Ciidda isu mahadcelinta ee Thanksgiving-ka oo ku began Khamiista maanta ah, waxuuna ballan qaaday inay jirto rajo dhab ah oo ku xiran in dhibaatada aysan waligeed sii jiri doonin.

Waxuu sheegay in Tallaalkii ugu horreeyay ee lagula dagaallamayo Coronavirus la heli doono dhamaadka bisha December xilligaas oo guud ahaan dadka sida ugu dhaqsiyaha badan loo tallaali doono.

Hadlka Biden ayaa kusoo beegmaya iyadoo milaayiin dadka ah ay safarro ugu jiraan Ciidda Thanksgiving-ka xillia si xooggan ay u kordhayso tirada dadka u dhimanaya xanuunka COVID19 iyo kuwa isbitaallada lagu daweynayo ee gudaha Mareykanka oo gaartay heerkii ugu sarreeyay.

Dadka safraya ayaa ka dhagaha ka furaysanaya farriimaha digniinta joogtada ah ee loogu sheegayo inay guryahooda joogaan islamarkaana ay xaddidaan isu imaatinka Ciidda Thanksgiving-ka, taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo laba kacleynta xowliga ku socota iyo dhimashada Covid19 ee inta lagu jiro xilliga ciidda ee bisha December.

PUNTLAND POST