
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan dhanka Online-ka ah la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dowladda Sudan.
Wasiirka Beyle, ayaa Mas’uuliyiinta Suudaan la wadaagay Khibradda dowladda Soomaaliya u leedahay Arrimaha Deyn-cafinta, maadaama Suudaan ay haatan ka shaqaynayso sidii looga cafin lahaa deymo ay ku leedahay IMF.
Wasiir Cabdiraxmaan Beyle, ayaa sheegay in dowadda Soomaaaliya ay sharaf u tahay in ay waddanka Suudaan ka caawiso Khibradda ku saabsan sharuudaha loo maro nidaamka Deyn-cafinta.
“Sharaf ayey inoo tahay in aan uga faa’ideyno khibradeena Deyn_Cafinta Dowladda Suudaan oo hada dib u bilaabaysa shuruudihii IMF ee Soomaaliya ay ka soo gudubtay.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Mudane Beyle, ayaa tilmaamay in dib u habeynta Maaliyadda dalka Soomaaliya, ay aheyd safar adag oo lasoo maray, isaggoo xusay in ay ka go’an tahay in la sii labo jibaaro dadaalka dowladda Soomaaliya ku wajahan Arrintan.
“Had iyo jeer dib-u-habeynta Maaliyaddu waa safar adag, balse aan ka soo gudubnay oo faa’iidadiisana aan helnay. Waxaa naga go’an in aan sii laba laabno dadaalka aanu ku hagaajinayno hanaanka Maaliyadda” ayuu yiri Wasiir beyle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.