Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan saagootin ah loogu sameeyay Baydhabo

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Xafladdan oo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, uu u qabtay Ra’iisul wasaaraha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa aheyd mid lagu maamuusayay, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen, isaga iyo wefdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo, ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada, isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

PUNTLAND POST