Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Qaxootiga Itoobiya ka cararaya

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNHCR, ayaa sheegtay in dadka Qaxootiga ee ka baxsanaya dagaalka waqooyiga itoobiya ay sii kordhayaan.

UNHCR, waxay tilmaantay in haatan 40,000 ay kor u dhaafeen dadka Qaxootiga ee gaaray bariga waddanka deriska ah ee Suudaan.

Labadii maalmood  ee ugu danbaysay, waxaa xadka Suudan gaaray 5,000 oo qof, kuwaas oo caruur iyo haween u badan .

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay in 300 oo caruur ah oo aad u nafaqo daran hadda la quudiyo, islamarkaana la siinayo daryeel caafimaad.

Qaxootigaas, waxaa la siiyaa cuno bisil, waxaana loo sameeyay goobo biyo ay ka cabaan iyo musqulo .

PUNTLAND POST