
Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Deni, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay, Geerida Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan
Marxuum Khaliif Ciise Mudan, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa saacaadihii hore ee saaka oo Talaado ah geeriyooday, sida ay xaqiijisay Puntland.
Alle ha u naxariistee, Gen. Khaliif Ciise Mudan wuxu kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Kacaanka.
Sidoo kale, wuxu kamid ahaa As’aasayaashii dowladda Puntland sannadkii 1998-dii, isagoo soo noqday Wasiirka Amniga iyo DDR-ta, islamarkaana wuxu sannadkii 2019 isu sharraxay Madaxweynaha Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.