Ciidanka Ilaalada Xeebaha dowladda Puntland ee PMPF, ayaa xalay kaamamka Barakacayaasha Boosaaso ka daad-gureeyay, boqollaal Barakacayaal ah oo kaamamkii ay ku jireen daad qaaday, kadib Roobkii ka da’ay Boosaaso.
Askar ka tirsan PMPF oo adeegsanaya Gaadiidka Ciidanka, ayaa kaamamka Barakacayaasha ka saaray Qoysaskaas ay saamaynta xooggan ku yeesheen daadadkii Roobku, waxaana ay u daabuleen goobo cusub oo loo diyaariyay Barakacayaasha.
Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ayaa Barakacayaasha magaalada u diyaariyay xarumo ay si ku meel gaar ah u sii degaan, maadaama daadad buuxiyeen Kaamamkii ay hore ugu noolaayeen dadkaas.
Magaalada Boosaaso, waxa saamayn dhinacyo kala duwan ah ku yeeshay Roobkii Shalay ka da’ay, kaas biyo fara badan ku celiyay xaafadaha magaalada, gaar ahaanna Kaamamka Barakacayaasha oo horena xaaladooda nololeed u adkayd.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.