Madaxweyne Farmaajo oo dowladda Ethiopia ku taageeray dagaalka Tigreega

Dowladda Ethiopia, ayaa war ka soo saartay socdaal lama filaan ah, oo uu shalay Muqdisho ku tegay La-Taliyaha Amniga Qaranka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaas oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

La-Taliyaha Amniga Qaranka Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, oo lagu magacaabo Gedu Andargacho, waxa uu Madaxweyne Farmaajo gaarsiiyay farriin uu ka siday Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Safiirka dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Amb Jamaludiin Mustafa, oo bartiisa Facebook kaga warbixiyay socdaalka La-Taliyaha Amniga Ra’iisul wasaare Abiy, waxa uu sheegay in La-Taliyuhu Kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu taageero u muujiyay Hawlgalka dowladda Ethiopia u bixisay Sharci-fulinta ee ka socda Gobolka Tigray, kaas oo la doonayo in lagu burburiyo Xoogagga TPLF.

PUNTLAND POST